Soomaaliya inkastoo ay la wadaagto abaarta iyo xaaladda omoska ah waddamada gobolka Geeska Afrika ku yaalla, haddana waxaa si gaar ah u nugleeyay in abaarta ay qarka u fuusho macluul ku dhufata, dhowr arimood oo isu biirsaday dartood.
Hay’adda Cilmi Baarista ee Heritage ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa maanta soo saartay warbixin ay kaga hadleyso abaaraha.
Cilmi baaraha qoray warbixintan Dr. Cabdrashiid Cilmi ayaa Falastiin Axmed Iimaan ay khadka taleefanka kula xiriirtay, waxayna ugu horeyn weydiisay bal inuu soo koobo nuxurka daraasaddan.