Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waraysi: Maxay soo kordhin kartaa xayiraadda uu Maraykanka kusoo rogay xubno ka tirsan al-Shabaab?


Al-Shabab Al-Shabaab
Al-Shabab Al-Shabaab

Dawladda Maraykanka ayaa in ka badan 10 xubnood oo ka mid ah saraakiisha ururka Al-Shabaab iyo taliyayaashooda kusoo rogtay xayiraad.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in shakhsiyaadkaasi ay ka tirsan yihiin shabakad ururka Al-Shabaab u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo hubka oo xayiraado lagu soo rogay.

Shaqsiyaadka xayiraadaha lagu soo rogay waxaa ka mid ah Cabdullahi Jeeri (Jeeri) oo ah madaxa Al-Shabaab ee keenista hubka, isaga oo kooxdaas hub uga soo iibiya gudaha dalka iyo dibedda, gaar ahaan dalka Yemen; Khalif Adale oo Al-Shabaab u qaabilsan lacag kasoo ururinta ururada aan dowliga aheyn ee NGO-yada, iyo Xasan Afgooye oo horey Marayanku $5 milyan u dul dhigay madaxiisa.

Haddaba tallaabadan iyo waxa ay ka tarayso dagaalka Al-Shabaab, ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Cumar Maxamed Abu Ayaan oo horey uga tirsanaan jiray ururka Al-Shabaab, haatanna ku nool dalka Sweden.

Waraysi: Maxay soo kordhin kartaa xayiraadda uu Maraykanka kusoo rogay xubno ka tirsan al-Shabaab?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:17 0:00

XS
SM
MD
LG