Waxaa shalay maxkamad magaalada Muqdisho ku taalla lasoo taagay Cabdalle Axmed Muumin oo ah xoghayaha ururka u dooda saxaafadda Soomaaliya ee SJS kaasoo saddex maalmood kahor xabsiga loo taxaabay.
Waxaa loo soo jeediyay eedo la xiriira sharciga saxaafadda iyo kuwo la sheegay in ay dhinaca amaanka xiriir la leeyihiin.
Wax go’aan ah lagama gaarin kiiskiisa, waxaana dib loogu celiyay xabsiga kadib markii maxkamaddu ay dalbatay in caddeymo dheeraad lasoo raaciyo edaha loo jeediyay.
Haddaba wariyaheenna Jacfar Kukay ayaa khadka taleefoonka ee Muqdisho kula xiriiray Maxamed Cabdiwahaab oo ka tirsan madaxda dallad ay ku midoobeen ku dhowaad 40 idaacadood oo maxalli ah oo lagu magacaabo Somali Media Association - ugu horreynna waxa uu weydiiyay sida ay maxkamdeyntu u dhacday.