Taliyihii Qaybta Guud ee Taliska Booliska gobolka Banaadir, Jeneraal Farxmaan Maxamud Qaroole oo shalay ku geeriyooday qarax lagula eegtay meel u dhaxeysa Balcad iyo deegaanka Basra, ayaa maanta lagu aasay maagalada Muqdisho.
Salaadda janaazada ayaa lagula dukaday Madaxtooyayda Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay madaxda sar sare ee dalka, xildhibaano iyo wasiiro.
Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.