Waraka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo malayshiyada deegaanka ay dib uga soo baxeen deegaano ay dhawaan ka qabsadeen ururka Al-Shabaab.
Ma cadda sababta, laakiin qaar ka mid ah mas'uulyiinta deegaanka ayaa sheegay in ay xeelad dagaal dib ugu gurteen oo aaney jirin Al-Shabaab awood uga saaray.
Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo ku suggan magaalada Maxaas.