Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Addis Ababa


Hassan SHeekh Abiy Ahmed
Hassan SHeekh Abiy Ahmed

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd gaaray magaalda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waa safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo intii dib loo soo doortay.

"Itoobiya waxay si diirran kuugu soo dhawaynaysaa socdaalkan shaqo ee labada maalmood ah," ayuu bartiisa Twitter kusoo qoray Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kadib markii uu garoonka kusoo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxtooyada Soomaaliya weli wax faah-faahin ah kama bixin safarka madaxweynaha ee Itoobiya.

Safarka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli ay dagaallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ay kasocdaan gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyada oo magaalooyin iyo deegaanno dhowr ah laga xoreeyay Al-shabaab.

XS
SM
MD
LG