Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa dhowaan xilka la wareegay iyadoo ay tahay markii labaad ee uu Guddoomiye Madaale uu xilkan dib u qabto.
Markasta oo ay Muqdisho yeelato guddoomiye cusub su’aalaha ay dadka magaaladu is weydiinayaan ayaa u badan adeegyada looga baahan yahay in maamulku u qabto bulshada ku nool caasimadda.
Aqqoonyahanka magaalada oo qaarkood la hadlay VOA ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ammaanka caasimadda lagu wareejiyo maamulka gobolka Banaadir. Haddaba, arrintan maxay ka bedeli kartaa amniga caasimadda? Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkan ka soo diray Muqdisho.