Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Maxay xisbiyada mucaaradku ku diiddan yihiin shirweynaha Jigjiga?


Guddoomiyaha Xisbiga sinnaanta iyo caddaaladda, Jigjiga.
Guddoomiyaha Xisbiga sinnaanta iyo caddaaladda, Jigjiga.

Dhawaan waxaa magaalada Jigjiga looga dhawaaqay qaban-qaabada shirweyne looga tashanayo aayaha iyo mabaadi’da guud ee ay isku raacsanyihiin bulshada Soomaalida ku nool dhulka dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Ururka ONLF ayaa toddobaadkaan qaaddacay shirka.

Sidoo kale waxaa soo baxaya baaqyo ka iminaya xisbiyada siyaasadda oo dalbanaya in shirka dib loo dhigo ilaa laga saxayo qaladaad ay sheegeen in ay jiraan.

Xisbiyadaasi waxaa ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Xorriyadda iyo Sinnaanta. Wariyaha VOA-da ee Jigjiga Maxamed Cabdiraxman Gaataa ayaa arrimahani ka wareystay Ibrahim Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha Xisbiga Sinnaanta iyo Caddaaladda, laantiisa Jigjiga.

Maxay xisbiyada mucaaradku ku diiddan yihiin shiweynaha Jigjiga?.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:43 0:00

XS
SM
MD
LG