Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qodobada ay ka wada hadleen Boqorka Urdun iyo Madaxweynaha Soomaaliya


President Hassan Sheikh with King Abdallah
President Hassan Sheikh with King Abdallah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay, boqorka dalka Urdun, Boqor Cabdalla bin Xuseen.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee Soomaaliya, madaxweyne Xasan ayaa kala hadlay boqorka Urdun, xaaladda Soomaaliya iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo dhinaca ammaanka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa boqorka uga warbixiyey xaalada Soomaaliya iyo isbedellada dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta ee ay dowladiisu ku howlantahay, isagoo sheegay in ay ka go’antahay xasilnta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda aragagixisada ah ee Al-Shabaab." ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay isla soo qaadeen xoojinta xidhiidhka labada dal, iyaga oo u ballamay in diblomaasiyiin ka socota labada waddan inay sii ambaqaadaan xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada ammaanka iyo xasiloonida.

XS
SM
MD
LG