Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barnaamijyada ay dawladuhu ku baasaasaan muwaadiniintooda oo soo badanaya


A woman checks the website of Israel-made Pegasus spyware at an office in the Cypriot capital Nicosia, July 21, 2021.
A woman checks the website of Israel-made Pegasus spyware at an office in the Cypriot capital Nicosia, July 21, 2021.

GENEVA – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa ka digtay, korodhka ku yimi barnaamijyada dhinaca internetka ee ay dawladuhu iibsanayaan, si ay ugu basaasaan ama u jabsadaan telefoonada gacanta ee muwaadiniintooda, si ay u helaan macluumaadka shakhsiga ah ee ku kaydsan telefoonadaas.

Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo degdeg ah, si wax looga qabto, fiditaanka barnaamijyada dhinaca internetka ee wax lagu basaaso. Qaramada Midoobay ayaa xustay in ay dalal badani u isticmaalaan tiknoolojiyadda casriga ah si ay ula socdaan, u xakameeyaan, una cabudhiyaan shacabkooda.

Qaramada Midoobay ayaa ku doodaysa inay muhiim tahay in la joogo xilligii la soo saari lahaa, hab waafaqsan shuruucda caalamiga oo lagu maamulo tiknoolojiyadda casriga ah, si loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

Afhayeenka xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Liz Throssell ayaa tusaale u soo qaadatay barnaamijka Pegasus oo ah barnaamij ay samaysay dawladda Israel, kaas oo awood u leh inuu si sahlan u dhex galo telefoonada casriga ah, si loola socdo macluumaadka shakhsiga ah ee muwaadiniinta. Waxay sheegtay in tallaabadaasi ay xadgudub ku tahay xorriyaadka shakhsiga ah ee dadka la bartilmaameedsado.

Liz ayaa sheegtay in marka la dhex galo telefoonada casriga ah ee aan isticmaalo, in si fudud loo ogaan karo, waxa aan qabanayno, Meelaha aan tagno, cidda aan la kulano iyo waxa aan ku hadlaynoba. Iyadoo intaas ku sii dartay in qalabkaasi uu yahay mid aad u awood badan, waana arrimaha keenay in xafiiskoodu uu walaac xooggan ka muujiyo.

Dalalka safka hore kaga jira ee samaystay barnaamijyo waaweyn oo ay kula socdaan shacabkooda waxaa ka mida dalka Shiinaha. Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyey tallaabooyinka uu qaaday dalka Shiinuhu.

Warbixinta cusub ee Qaramada Midoobay may magcaabin dalalka isticmaala tiknoolojiyadda casriga ah ee wax lagu basaaso, hase ahaatee afhayeenka xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Mdoobay ayaa xustay in in ka badan 500 oo shirkadood inay sameeyaan suuq geyn la xidhiidha, sidii ay dawladaha uga iibin lahaayeen barnaamijyada awoodda badan ee wax lagu basaaso. Iyada oo masuuliyiinta dawladuhu ay inta badan ka been sheegaan sababaha ay ugu baahan yihiin barnaamijyadaas.

Inkasta oo barnaamijyadan loo isticmaalo la dagaalanka argagixisada iyo dembiyada abaabulan, haddana waxaa marar kala duwan dhacda in loo adeegsano habab aan sharci ahayn, sida ay sheegtay Liz Throssell, waxaana hababkaas aan sharciga ahayn ugu horreeya in lagu aamusiiyo fikradaha dhaleecaynaya dawladaha, ama kuwa xaqiiqada ka waramaya sida saxafiyiinta, siyaasiyiinta mucaaradka iyo kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la joojiyo isticmaalka iyo iibgeynta qalabka wax lagu jabsado, illaa inta laga helayo nidaam ku filan oo ilaalinaya xuquuqda aadanaha.

XS
SM
MD
LG