Gudiga xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin qaxootiyadii dhawaan yimid xeryaha Dhadhaab kana soo barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya kuwaas oo u badan yihiin haween iyo caruur.
Qaxootigan soo gaadhay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayay qaarkood ka muuqataa nafaqo darro. Qoysaskan ayaa in badan oo ka mid ahi waxay lug ku soo gaadheen xeryaha Dhadhaab.
Haddaba warbixinta arrintaas ku saabsan waxaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ka soo diray weriyaha VOA Axmednuur Maxamed Yogol