Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xassan Shiikh oo shir degdeg ah isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada


Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garowga shir deg deg ah oo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu isugu yeeray madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ee shirkan ka qeyb galeysa ayaa Muqdisho gaaray, waxaana shirkan oo la filayo inuu qabsoomo labada maalin ee soo socota ay madaxdu kaga hadli doonaan amniga iyo sidii dowladdu ay u taageeri laheyd kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilowday gobolada qaar, gaar ahaan Hiiraan iyo Galguduud.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.

Kulan Wadatashi ah oo Muqdisho ay ku yeelanayaan Madaxda Sare ee dalka
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:50 0:00

XS
SM
MD
LG