Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda DF iyo kuwa dowlad-goboleedyada oo ku shiraya Muqdisho


Xasan Sheekh iyo madaxda maamul goboleedyada

Magaalada Muqdisho ayaa maalmaha soo socda waxa ay martigelin doontaa shir ay isugu iman doonaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan Wadatashiga Qaran oo uu madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud isugu yeeray madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimha siyaasadda, amniga, iyo mushkiladda bani'aadnimo ee Soomaaliya ay wajaheyso.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka ayaa markii uu maanta ka soo degay Muqdisho sheegay inay doonayaan in madaxda soomaalidu ay go’aamo ka gaaraan sidii loo taageeri lahaa kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilowday gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

“Cid walba oo aan la hadalno waxay nagu tiraahdaa isku tashada, Soomaali ha isku tashato, marka waxaan dooneynaa inaan ka arrinsanno sidii laga yeeli lahaa arrimo ay ka mid tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo uu weli oogan yahay muran soo kala dhex galay Wasaaradaha Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada iyo Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, gaar ahaan Maamulka iyo Shabacabka Gobalka Shabelle ayaa bilaabay in ay ka taageeraan dadka Gobalka Hiiraan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Maamulka Shabeelle ayaa saanad militari, raashin iyo agab kale ugu deeqay gobolka Hiiraan.

Xaflad kooban oo uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu kula wareegay deeqdan ayaa lagu qabtay magaalada Feer Feer dhinaca Ethiopia.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG