Xaalad nafaqo-darro oo ba’an ayaa ka taagan Soomaaliya oo ay ku dhufatay abaar xooggan, waxaana dalka nafaqo-darro ugu dhintay caruur badan, sida ay sheegtay QM.
Xaaaladda nafaqadarrada iyo baahida ee ka taagan Soomaaliya ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Cabdi Xuseen Rooble oo ah maareeye ku-xigeenka hay’adda falanqaynta cunto-yaridda iyo nafaqo-darrada FSNU oo hoos timaadda hay’ada cuntada iyo beeraha dunida ee FAO.
Ugu horrayna waxa uu weydiiyey xaaladda bani’aadminnimo ee xilligan.