Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo hoostagta shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo Bankiga Salaam ayaa waxay magaalada Muqdisho ka furtay mashuuc xirfad iyo shaqo loogu abuurayo kun dhallinyaro ah oo la barayo kaxeynta mootada, cillad bixinteeda iyo isticmaalka Google maps-ka.
Dhallinyaradan ayaa markii ay tababarka dhameystaan waxay ka shaqeyn doonaan shirkad maxalli ah oo ka howlgasha caasimadda dalka.
Haddaba, Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa la kulmay Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah Madaxa hey'adda Hormuud Salaam Foundation, waxa uu ugu horreyn weydiiyay mashruucan ay daah-fureen iyo hadafka laga leeyahay.