Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin ku saabsan weerar ay Al-Shabaab ku dishay 21 qof oo ka dhacay Hiiraan


Ugu yaraan 21 qof oo shacab ayaa lagu dilay duleedka magaalada Baledweyne ka dib markii kooxda Al-Shabaab ay sagaal baabuur oo rakaab ah iyo badeecado kala duwan u siday degmada Maxaas ay ku gubtay deegaanka Afar Irdood.

Dadka dhintay waxaa ku jira 18 qof oo ka mid ahaa rakaabka gaadiidka la gubay halka saddex qof kalena ay dhinteen ka dib markii gaari ay saarnayeen miino kula qaraxday meel u dhow deegaanka ay Al-Shabaab ku gubtay gaadiidka sida uu VOA u sheegay Gudoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa u warramay wariyaha VOA, Xuseen Xassan Dhaqane.

Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha degmada Maxaas
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:47 0:00

XS
SM
MD
LG