Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daraasad laga sameeyey Jaamacadaha Soomaaliya oo lasoo bandhigay


Arday 2
Arday 2

57 Jaamacadood oo ka shaqeeya 12 magaalo oo ku yaalla Soomaaliya ayaa sanadkii tegay ee 2021 waxaa ka qalin jebiyay 20,250 arday, oo dhameystay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda.

In ka badan 7 kun oo kamid ah aqoonyahankaasi kasoo baxay jaamacadaha ayaa ah hablo, sida lagu sheegay daraasad arrimahaasi ku saabsaneyd oo lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.

Sahankaan cilmi baaris ayaa waxaa sameeyay hay'adda ka shaqeysa uruurinta xogta waxbarashada ee Iftin Foundation. Cilmi baarista ayaa lagu sheegay in ay jiraan kuliyado aad u muhiim ah oo ay kasoo baxaan dad kooban, halka kuliyadaha qaarna ay ugu bateen ardayda kasoo baxaya jaamacadaha.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa daraasadan ka wareystay Cabdullaahi Maxamed Xasan (Black), oo ah madaxa hay'adda Iftin Foundation oo sahankaan sameysay.

Daraasad laga sameeyey Jaamacadaha Soomaaliya oo lasoo bandhigay
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:09 0:00

XS
SM
MD
LG