Kadib qaylo-dhaan ah in muddo ah kasoo yeeraysay qaar ka mid ah qaxootigii ugu dambeeyey ee gaaray xeryaha Dhadhaab abaaraha jira dartood ayaa waxaa lasoo sheegayaa in mid ka mid ah hay’adaha gargaarka ah ay kaalmo gaarsiisay dadkaasi.
Hay’adda Ixyaa Turath ee dalka Kuwait ayaa deeq iskugu jirta raashin, mara-kaneecooyin iyo timir gaarsiisay in ka badan kun qoys oo ku nool Dhadhaab, isl markaana ay ka mid yihiin qaxootiga dhawaan yimid xeryaha qaxootiga kuwaasi oo xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay haysay.
Maxamed Muxumed Nuuriye oo ah xoghayaha guud ee hay’adda IXYA TURATH ayaa kaalmadan ay bixiyeen uga warramay weriyahayaga Axmednuur Maxamed Cabdullahi Yogol.