Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay tahay hanjabaadda cusub ee al-Shabaab ay u jeediyeen dalka Kenya?


Kooxda al Shabaab
Kooxda al Shabaab

Ururka al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa soo saaray hanjabaad cusub oo ka dhan ah dalka Kenya, iyaga oo sheegay inay sii wadayaan weerarada ay ka geysanayaan dalkaas inta ay ciidamada dalka Kenya ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ku qornaa afka Ingiriisida oo uu soo saaray ururka al-Shabaab ayay intaas ku sii dareen inay sii wadayaan, weerarada ay ka fuliyaan magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaas, illaa inta ay ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegay in haddii Kenya ay ku sii adkaysato inay sii waddo duullaanka ay ku hayso dhulalka muslimiinta, inay iyaguna dhinacooda sii wadayaan weerarada ay dalkaas ku qaadayaan.

“Ogow inaan sii wadi doono inaan dhulkeena iyo dadkeena ka difaacno duullaanka gardarrada ah ee Kenya. Waxaan sii wadi doonnaa in aan xoogga saarno weerarada aan ku qaadno magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka Kenya inta ay ciidamada Kenya sii wadaan inay haystaan dhulkeena Muslimiinta,” ayay tidhi kooxdu.

Cumar Maxamuud oo ah falanqeeye sare oo kooxda ICG uga fallooda arrimaha gobolka Geeska Afrika ayaa VOA-da Khadka isgaadhsiinta ee WhatsApp ugu sheegay.

“Guud ahaan, Al-shabaab waxay weli khatar ku yihiin [amniga] dalka Kenya, haddii ay tahay, inay ka soo gudbaan xuduudda iyo weliba weerarrada argagixisanimo ee ay geystaan. Markaa waxay sii wadi doonaan isku dayga ay ku beegsanayaan Kenya, haddii aysan helin waxa ay rabaan, taas oo ay udub dhexaad u tahay soo afjaridda howlgallada ciidamada Kenya ay ka wadaan Soomaaliya,” ayuu yidhi.

Maxamed Xuseen Gaas oo ah Agaasimaha Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Raad ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho oo VOA-da khadka taleefanka ugu warramay ayaa sheegay in khataraha Al-shabaab ay yihiin kuwo dhab ah, maadaama ay arkeen in ururku uu dhaqaale ahaan aad u xooggan yahay dhowrkii sano ee u dambeeyay, inkastoo ay Soomaaliya joogaan ciidamo kala duwan oo ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta ee Midawga Afrika.

Wuxuu sheegay in sidoo kale laga yaabo in kooxdu ay haatan danaynayso inay samayso is-ballaadhin dhinaca debedda ah, sida uu muujinayo weerarkii ay dhowaan ku qaadday dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.

Maxamed Dhaaysane/VOA

XS
SM
MD
LG