War Deg-Deg ah

Jeneraal Odowaa iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo ku kulmay xuduudda

Jeneraal Odowaa
Jeneraal Odowaa

Saraakiil ka tirsan amniga oo ka kala socda dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmaya magaalada Ceel-Barde ee u dhow xuduudda Soomaaliya la leedahay Itoobiya.

Kulamadan ayaa daba socda weerarkii ay Al-Shabaab toddobaadkii hore ku qaadeen magaalooyinka Yeed iyo Caato, iyagoona usii gudbay gudaha Itoobiya.

Saraakisha Itoobiya ayaa sheegay inay burbruiyeen maleeshiyaakdii Al-Shabaab ee gudaha u gudbay.

Kulanka ka dhacay Ceel Barde waxaa ka qaybgalay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, iyo taaliye xigeenka ciidanka Liyuu Booliis Jeneraal Zakariye Cabdi Khaliif.

Warbixintan waxa inoo soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Jeneraal Odowaa iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo ku kulmay xuduudda

No media source currently available

XS
SM
MD
LG