Saddax ruux ayaa dhintay afar kalana waa ay dhaawacmeen ka dib markii gaari ay la socdeen uu qarax ku haleelay deegaan ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Gaariga qaraxu haleeyay ayaa ku soo jeeday deegaanka Dhabbad oo dhanka bari ilaa 40 km kaga beegan magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Gudomiyaha Degmada Dhabbad Aadan Cabdinur Galaal (Aadan Gabi) ayaa qaraxaasi uga waramay wariyaha VOA ee Gobollada Dhexe Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq.