Guddi iskood iskugu xilqaamay dhexdhexaadinta xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasada inay dulqaad muujiyan.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii mucaaradku ay shalay sheegeen inay burbureen wadahadalladii u dhexeeyey labada dhinac ee kusoo saabsanaa sida loo soo kala hormarinayo doorashooyinka soo socda.
Warkan waxa Hargeysa kasoo diray Khadar Maxamed Cakule.