Muqdisho —
Qaar ka mid ardayda wax ka barta Jaamacadda Somali International University ee magaalada Muqdisho ayaa lagu abaalmariyay hal-abuurro cusub oo ay soo kordhiyeen.
Halabuuradaas waxay isugu jireen dhinaca tiknoolojoyada, wax soo saarka beeraha iyo calafka xoolaha.
Munaasabaddii kagu abaalmariyay ardaydaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wariyaha VOA ee Muqdisho Cabdicasis Barrow oo warbixintan soo diray.