DJIBOUTI - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la guddoonsiiyey billad-sharafta ugu sarraysa dalka Jabuuti oo uu guddoonsiiyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.Madaxweyne Xasan oo booqasho ku jooga dalkaasi ayaa sidoo kale maanta ka hor hadlay baarlamaanka dalka Jabuuti.
Faahfaahinta warkan waxaa Jabuuti inooga soo diray Ramadaan Muuse.