Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle oo lagu dhaawacay qarax ka dhacay Jowhar


HirShabelle
HirShabelle

JOWHAR - Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Jowhar maanta. Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa intaas ku daraya in ugu yaraan laba ka mid ah wasiirrada maamulka Hirshabelle iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaas ay ka mid yihiin dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Sida ay VOA u xaqiijiyaan ilo degaanka ku sugan oo diiday in magacooda la sheego sababo amni awgood, qaraxa oo loo adeegsaday gaari xamuul oo lagu soo raray qalabka dhismaha ayaa lagu bartilmaamedsaday Hotel Shabelle oo degaan u ah mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkan, waxaana warbaahinta ururkaasi taageertaa ay sheegtay in qaraxan uu ahaa ismiidaamin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa isna cambaareeyey qaraxan oo uu ku tilmaamay fal argagixiso oo fuleynimo ah, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

Warbaahinta dawlada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in hawgal ka dhan ah Al-Shabaab uu ka dhacay dooxada Jubba, kaasi oo lagu dilay laba ka tirsan mintidiinta ururkaasi. Faahfaahin dheeraad ah kama soo bixin hawlgalkaasi iyo qaabka uu dhacay.

Waa qaraxii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada Jowhar sida ay sheegayaan wararka soo gaaray VOA.

XS
SM
MD
LG