Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada: Ciyaartoydii hore ee Soomaaliya oo ka qaybgelaya todobaadka ciyaaraha ee Soomaalida


Ka qeybgalayaasha Ciyaaraha Toddobaadka Soomaalida ee Toronto
Ka qeybgalayaasha Ciyaaraha Toddobaadka Soomaalida ee Toronto

CANADA - Magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaa ka socda toddobaadka ciyaaraha ee kubadda cagta Soomaalida oo ay ka qeyb gelayaan kooxo ka kala yimid Ingiriiska, Mareykanka iyo magaalooyinka dalka Canada. Marka laga soo tago dhalinyarada ka qeyb gelaysa tartanka, waxaa dhinaca kale jira tartan u dhexeeya ciyaartoygii berisamaadkii u cayaari jiray xulkii qaranka iyo naadiyadii heerka 1-aad ee Soomaaliya.

Maalinimadii Arbacada waxaa furmay tartanka cayaartoydii hore ay isku arkayeen, iyadoo ay ka qeyb galeen kooxo ka kala socda Boston, Washington, Atlanta, London iyo Toronto.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa furitaanka tartanka cayaartoydii hore ka wareystay Abuukar Sheekh Saciid (Abuukar Shaash) oo ka tirsan kooxda ka socota Washington.

Toddobaadka Ciyaaraha Soomaalida ee Canada
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:17 0:00

XS
SM
MD
LG