Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Sheekh oo ay booqasho afar cisho ah uga bilaabatay Eritrea


Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo afar maalmood ah.

Qoraal kooban oo ay daabacday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in uu garoonka diyaaradaha ee Asmara ku soo dhoweeyey madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki.

Dalka Eritrea ayaa waxaa ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ay ugu dirtay xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhalinyarada loogu qaaday tababarka Eretria, ayaa muddo dheer waxaa hareeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia. Warkan ayaan loo heyn wax caddeyn ah oo xaqiijinaya.

Waalidiinta qaar ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho iyaga oo dalbaayay xogta la xiriira caruurtooda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay gal gaar ah oo la xariira xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria.

Ilo muhiim ah ayaa u sheegay wariyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed in madaxweynaha uu raacay sarkaal ka tirsan hay’adda NISA oo si gaar ah u haaya xogta ciidanka tababarka loogu diray Eritrea.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Jamaal Axmed Cismaan ka wareystay Maxamed Hussein oo ka mid ah aqoonyahannada ka faallooda arrimaha gobolka, degaanna gobolka Virginia ee waddanka Mareykanka.

Xassan Sheekh oo ay booqasho afar cisho ah uga bilaabatay Eritrea
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:29 0:00

XS
SM
MD
LG