Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khadra Daahir Cige oo Hargeysa ku geeriyootay


Khadra Daahir
Khadra Daahir

HARGEISA - Alle ha u naxariistee waxaa caawa fiidkii ku geeriyootay magaalada Hargeisa fanaanadii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige. Marxuumadda ayaa maalmahan ku jirtay cusbitaal ku yaalla magaalada Hargeisa oo loo dhiigay xanuun hayey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray kaga tacsiyeeyay geerida anaanadii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige oo caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday hoboladdii caanka ahayd ee marxuumad Khadra Daahir Cige,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Madaxweyne Xassan.

Madaxweynaha ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “in marxuumadda ay kaalin weyn uga jirtay fanka Soomaaliyeed, iyada oo doorweyn ka qaadatay sare u qaadida fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo ay ka aheyd tiirarkiisa.”

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo miisaan ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.”

XS
SM
MD
LG