Minneapolis —
Waxaa isa soo taraya qeyla-dhaanta ku aaddan gurmadka abaaraha Soomaaliya, xilli ay boqollaal carruur ah ay u dhimanayaan gaajo iyo macluul, iyadoo Qaramada Midoobay, hey’adaha kale ee caalamiga ah ee gargaarka iyo dowladda Somaaliya ayaa todobaadyadii u danbeeyay ka digayay in abaartu ay isu bedesho macluul galaafata nolosha kumanaan qof.
Hibo Maxamed Huddoon (Hiba Nuura) waxay ka mid tahay Fanaaniinta Soomaaliyeed, waxay VOA-da lasoo xiriirtay si codkeeda ay ugu biiriso dareenka qeyla dhaan ee abaarta.