Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xil. Sacdiya oo noqotay haweenaydii ugu horraysay ee ku sime madaxweyne ka noqota Soomaaliya


Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya, Xil. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar

MUQDISHO - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ay noqotay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya kadib markii uu safar debedda ah ugu kicitimay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Sacdiya ayaa xilkan qabanaysa maadaama uu waddanka ka maqan yahay Guddoomiyaha Aqalka Hoose Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Arrintan ayaa ah mid taariikhi ah, waana markii ugu horraysay ee Soomaaliya ay ku-sime madaxweyne ka noqoto hoggaamiye dumar ah.

Xildhibaan Sacdiya ayaa ah haweeynaydii ugu horraysay ee loo doorto xilka guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose ee baarlamaanka. Sida uu dhigayo sharciga Soomaaliya, haddii madaxweynaha iyo guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanku ay isku mar safar debedda ah u wada baxaan, waxaa xilalkooda sii haynaya Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose.

Xildhibaan Sacdiya ayaa sii ahaan doonta ku simaha xilalka madaxweynaha iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka inta uu dalka kaga soo laabanayo mid ka mida labada masuul ee ay xilalkooda sii hayso.

Muhiimadda taariikhiga ah ee ay leedahay inay xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar nooqtay ku simaha madaxweynaha ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay ku simaha madaxweynaha, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar.

Waraysiga ku-simaha madaxweynaha
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:01 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG