Isku xirrada

War Deg-Deg ah

40 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Baxdo


Ugu yaraan 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay degmada Baxdo ee gobolka Galguduud, kaddib markii dadka deegaanka iyo ciidamada Galmdug oo is garabsanaya ay ka hortageen weerar ay Al-shabaab ku soo qaaday deegaanka Baxdo.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA ee Galmudug Cadiwaaxid Macallin Isaaq, dadka deeganka Baxdo ayaa sidoo kale soo bandhigay saddex kamid ah maleeshiyada oo dagaalka lagu qabtay.

Khasaaraha kasoo gaaray dadka deegaanka iyo ciidanka Galmudug ayaa lagu sheegay toddoba qof oo dhimasho ah iyo tobaneeyo kale oo dhaawac ah.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale soo bandhigay gaari laga soo buuxiyay qaraxyo, kaas oo ay wateen maleeshiyada Al-shabaab.

Xaaladda Baxdo ayaa galabnimadan deggan, iyadoo ay deegaanka soo gareen ciidamo gurmad ah kuwa dowladda iyo kuwa Galmudud.

XS
SM
MD
LG