Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo soo dhaweeyay magacaabista Ra'isul Wasaaraha cusub


Rooble

Ra'isul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh ee Ra'isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu Rooble ku yiri "Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud maanta u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS. Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajeynayaa guul"

Rooble oo ahaa Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya tan iyo bishii September 20220 ayaa masuul ka ahaa doorashooyinkii dhawaan soo gabagaboobay ee lagu soo doortay Golaha Shacabka, Aqalka Sare iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

"Waxaan go'aanka ku saleeyay aqoonta, kartida iyo waayo aragnimada aan ku aqaanno ayaan u gartay in mudane Xamse uu yahay qofka ku habboon oo kasoo bixi kara xilkaas cusub iyo Soomaaliyada cusub" ayuu madaxweyne Xasan Sheekh markii uu magacaabayay Ra'isul Wasaarihiisa cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale golaha shacabka ka codsaday inay ansixiyaan Ra'isul Wasaaraha cusub.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG