Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkadda Facebook oo ku guul-darreysatay qabashada qoraallada Al-shabaab


Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in shirkadda Facebook ay ku guul dareysatay in ay qabato qoraalada kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku wajahan Bariga Afrika, iyadoo colaado rabshado wata ay gobolka wali ka jiraan, Kenyana ay isku diyaarineyso in ay qabato doorasho qaran oo si weyn loogu loollamayo.

Taxane ay sanadkii hore baahisay Associated Press oo ay ku jireen dukumentiyo si qarsoodi ah uu u dusiyay qof la shaqeeya Facebook ayaa muujiyay sida ay shirkaddu marar badan ugu fashilantay in ay wax ka qabato macluumaad halis ah oo oo ay ku jireen kuwa naceyb ku saleysan oo lagu faafiyay Facebook.

Facebook oo ku guul-darreysatay qabashada qoraallada Al-shabaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:37 0:00

XS
SM
MD
LG