Somaliland ayaa Sabtida maanta ah si rasmi ah uga bilowday imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe kaasi oo ay sanadkan u fadhiisanayaan arday gaareysa ilaa 40 kun.
Haddaba, Khadar Maxamed Cakule ayaa imtixaanaadkan ka wareystay Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Torno iyo Gudoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka Somaliland Daauud Axmed Faarax. Axmed Torno ayaa ku horeynaya.