Muqdisho —
Hay’adaha gargaarka ee ka hawlagala Soomaaliya ayaa ka digay in gobollo badan oo dalka ah ay xaalada bani’aadminnimo ee ka jirta ay maalin walba kasii darayso.
Hay’aduhu waxay sheegeen in marka la gaaro bisha Sebtember ee soo socota haddii aan waddanka roob ka di’in iyo haddii ay sii qaaliyoobaan cuntooyinka daruuriga ah in halis loogu jiro macluul.
Haddaba side xal loogu heli karaa wax ka qabashada abaaraha? Xasan Kaafi Qoyste ayaa su’aashaas ku falanqaynaya warbixintan.