Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laascaanood oo ay gaadheen xoolo dhaqato ka soo kala hayaamay gobolo kala duwan


Qaar ka mida dadka ku barakacay abaaraha
Qaar ka mida dadka ku barakacay abaaraha

Hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa maalmihii la soo dhaafay, ka digayay in tirada dadka macluusha wajahaya ee ku nool gobolka Geeska Africa inay gaarto 20 malyuun oo qof dhamaadka bisha September ee soo socota. Digniintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xilli roobaadkii afraad aanu roobku u di'in sidii la filayey. Taasi oo abaarta taagan ka dhigtay tii ugu xumeyd muddo 40 sanadood ah.

Haddaba weriyaha VOA Nuur Xasan Nuur ayaa warbixintan ku eegaya

Abaaraha ka jira Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:23 0:00

Dhinaca kale, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay Somaliya ayaa ugu daran wadamada ay abaarta ku dhufatay Geeska Africa. Ugu yaraan 6.1 milyan oo qof ayey abaartu saameysay, kuwaas oo 771 kun oo ka mid ahi ay guryahooda iyo deegaanadooda uga carareen, iyagoo baadi goobaya quud iyo biyo.

Meelaha ay dadkaasi gaadheen ee naqa iyo baadka u raadsadeen waxaa ka mida gobolka Sool, weriyaha VOA ee Laascaanood Cabdikariin Olol ayaa warbixintan ku eegaya.

Dadka roobka u soo hayaamay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:46 0:00

XS
SM
MD
LG