Muqdisho —
Marka laga soo tago abaarta guud ee ku habsatay Soomaliya, waxaa jira deegaanno iyo magaalooyin ku yaalla Koonfur Galbeed oo ay Al-shabab go’doomiyeen muddo ka badan 11 sano.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka codsaday Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud in laga kaalmeeyo amaanka iyo coreynta jidadka magaalooyinka go’doonsan iyo la dagaallanka Al-shabab.
Wariyaha VOAda Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbiintan kasoo diray Baydhabo.