Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waalidiinta Maraykanka oo ka walaacsan bedqabka ubadkooda, xilliyada ay joogaan goobaha waxbarashada


Dugsi ku yaalla Texas oo ay toogasho ka dhacday
Dugsi ku yaalla Texas oo ay toogasho ka dhacday

Tan iyo wixii ka dambeeyey dilkii, 24-kii May, ka dhacay goob waxbarasho oo ku taalla gobolka Texas ee dalka Maraykanka, halkaas oo wiil dhalinyaro ah oo 18-jir ahi uu ku dilay 19 arday ah iyo laba macalin, waxaa soo badanayey walaaca ay waalidiintu ka qabaan bed-qabka iyo amniga ubadkooda, xilliyada ay ku sugan yihiin goobaha waxbarashada.

Qaar ka mida goobaha waxbarashada ee gobolka Texas ayaa haatan la geeyey ciidamo boolis ah, iyada oo laga fekerayo sidii dugsiyada loogu samayn lahaa ilaalo joogto ah.

Haddaba weriyaha VOA Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ku eegaysa

Soomaalida Maraykanka oo aragtiyo kala duwan ka muujiyey dilalka ka dhaca Maraykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00
XS
SM
MD
LG