Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Culumo ka hadashay geerida Sh. Cali Warsame


Sheekh Cali

Allaha ha u naxariistee Sheekh Cali Warsame oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ayaa dalka Cumaan ku geeriyooday, wuxuuna ahaa caalim si weyn loo yaqiinay, isagoo sidoo kale ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee ururkii Al-Itixaad oo la aasaasay horraantii 1980-kii.

Sheekh Cali Warsame ayaa lagu xasuustaa inuu ka horyimid ku lug lahaanshaha daagalladii Al-itixaad ay ku gashay deegaanno ka tirsan Puntland iyo gobolka Jubbada Hoose.

Wuxuuna sidoo kale horey u cambaareeyay falalka maleeshiyada Al-Shabaab.

Sanadihii ugu dambeeyay wuxuu xubin ka ahaa ururkaa Al-Ictisaam Bil Kitaab Wal Sunna.

Qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyay geerida sheekha. WarIyaha VOA-da Cabdikariim Olol ayaa warbixintan ka soo diray Laascaanood.

Culumaauddiin ka hadlay geerida Sh. Cali Warsame
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:52 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG