Golaha Wasiirada ee dowladda Soomaaliya ayaa shalay soo jeediyay islamarkaana ansixiyay in xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamanka uu noqdo taliyaha hay’adda sidoonka qaranka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xilalkii ugu horeeyay ee uu magacaabay markii uu xilka la wareegay waxaa ka mid ahaa la-taliyahiisa Amniga Qaranka oo loo magacaabay Xuseen Macalin Maxamud.
Dadka odorasa siyaasadda ayaa ku tilmaamay in la hormariyo magacaabista iyo wax ka bedelka madaxda hey’adaha amniga ay muhiim u tahay ka hortagista firaaq amni oo dalka ka dhaca, kahor inta uusan madaxweynaha soo xulan Ra’-isul Wasaare.
Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixin uu ku eegayo ammaanka ka soo diray Muqdisho.
Facebook Forum