Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Soomaaliya oo magcaabay saddex la-taliye oo cusub


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

MUQDISHU - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magcaabay saddex la taliye oo madaxweynaha kala shaqaynaya dhinaca sharciga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo xidhiidhka baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan ayaa la taliyaha Sharciga u magcaabay Ibraahin Iidle Saleebaan, halka Zakariye Xasan Cali (Gaashaan) uu madaxweynuhu u magcaabay la taliyihiisa siyaasadda iyo xidhiidhka baarlamaanka. Xasan Aadan Hoosow ayaa madaxweynuhu u magcaabay la taliyaha dhaqalaha.

Wareegtada ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xubnahaan la magacaabay ay soo qabteen xilal sarsare oo Hay’adaha dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan u leeyihiin howlaha loo igmaday.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG