Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xoghayaha Guud ee QM oo hambaly u diray madaxweynaha cusub ee Somalia


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

NEW YORK - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay doorashadii ka dhacday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo lagu doortay madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud. Xoghayaha Guud ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay, isaga oo ku bogaadiyey madaxweynaha xilka ka degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu si degdeg ah u aqbalay natiijada doorashada.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa rajo ka muujiyay in Madaxweynaha cusub uu si deg deg ah ugu dhaqaaqi doono soo dhisidda Gole Wasiiro oo loo wada dhan yahay, isla markaana ay Dowladda cusub ee uu soo dhiso iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalku ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan sidii loo horumarin lahaa arrimaha muhiimka ah ee Qaranka iyo caqabadaha horyaala.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa lagu sheegay "Xoghayaha Guud waxa uu ku celinayaa taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay siiso dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxana uu rajaynayaa in uu sii wado wada shaqayn dhaw oo uu la yeesho maamulka cusub si loo horumariyo qorshaha dawlad-dhisidda Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee ba’an ee dalka ka jira" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta guud ee Qaramada Midoobay

XS
SM
MD
LG