Mid ka mid ah hawlaha ugu waaweyn ee horyaalla madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah sidii uu usoo celin lahaa xasilloonida waddanka, gaar ahaan la dagaalanka ururka Al-Shabaab.
Haddaba maxaa ka qaldan istiraatijiyada amniga ee Soomaaliya? Su’aashaas ayaa Haaruun Macruuf uu weydiiyey Cumar Mamed Abu Ayaan oo horey uga tirsanaan jiray ururka Al-Shabaab, haatanna ku sugan dalka Sweden.