Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toos: Teendhada Afisyooni iyo doorashada madaxweynaha 10-aad


Doorashada
Doorashada

Waxaa goor dhow teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka bilaabanaya doorashada madaxweyna 10-aad ee Soomaaliya, waxaana teendhada ku qul-qulaya xildhibaannada, musharaxiinta, iyo marti-sharafta kale.

Xubnaha labada aqal oo tiradoodu gaareyso 329 ayaa lagu wadaa inay doortaan madaxweynaya, waxaana la sugayaa in goor dhow uu guddoonka Golaha Shacabku si rasmi ah u furo doorashada.

Tartanka doorashada waxaa isku diiwangeliyay 39 musharrax, hase yeeshee inta la xaqiiyay ilaa hadda waxaa tartanka ka haray afar musharax.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta ku jirto bandow socon doona ilaa caawa, iyada oo aysan jirin isku socodka gaadiidka iyo dadweynaya. Afhayeenka ciidanka booliska ayaa xalay ku dhawaaqay bandhowgan.

Amniga goobta doorashada waxaa sugaya ciidamada midowga Africa ee ATMIS.

Wixii kusoo kordhaca doorashada halkan ayaad kala socon doontaan ee mar kale nagu soo noqo.

XS
SM
MD
LG