Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo warbaahinta oo ka wada hadlay arrimaha doorashada


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya

MUQDISHO - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee warbaahinta madaxa-banaan iyo weliba qaar ka mida ururada saxaafadda.

Sida lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee golaha shacabku ku leeyahay Facebook, guddoomiyaha iyo saxafiyiinta ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin, diyaargarowga doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya iyo weliba doorka ay saxaafadda madaxa banaani ka qaadan karto tebinta doorashada.

Saxafiyiinta kulankan ka qaybgashay ayaa guddoomiyaha la wadaagay cabashooyin ay ka qabeen guddida doorashada ee labada aqal ee maamulaysa doorashada, kuwaas oo saxaafadda madaxa banaan ka hor istaagay inay tebiyaan doorashada, gaar ahaan inay gudaha u galaan goobta doorashada loo asteeyey ee Taandhada ku taalla xerada Afisyooni.

Hase ahaatee Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa u sheegay madaxda warbaahinta ee uu la kulmay in tabashadooda wax laga qaban doono. Wuxuuna u sheegay in warbaahinta ay saaran tahay mas’uuliyad culus oo ah marxalladaan doorashada iyo tabinta najiitadaba, wuxuuna ku booriyay in ay mas’uuliyaddaas ka soo dhalaalaan.

XS
SM
MD
LG