Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyay ee diyaargaroowga doorashada madaxweynaha Soomaaliya


Magaalada Muqdisho ayaa weyn looga dareemayaa ololaha doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, taas oo lagu wado in ay ka dhacdo teendhada Afisyooni ee maalinta Axadda ah ee 15-ka bishan.

Sida ku cad jadwalka dhameystirka doorashada ee kasoo baxay guddiga isku dhafka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka, maanta iyo berri ayaa ah laba maalmood oo loo diyaargaroobayo maalinta doorashada madaxweynaha.

Khamiistii shalay, waxaa soo gabagaboobay hadal-jeedinta musharaxiinta madaxweynaha oo socotay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana doorashadan isu diiwaangeliyay 39 musharrax oo ay ka mid yihiin madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweyneyaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra'isul Wasasaarihii hore Xasan Cali Khayre, madaxweynha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale.

Musharaxiinta madaxweynaha ayaa sidoo kale kulammo gooni-gooni ah la leh xildhibaannada iyo madaxda dowlada goboleedyada.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa bayaan ay Talaadadii soo saareen ku faah-faahiyeen amniga teendhada Afisyooni, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaya waxayna sheegeen in amniga teendhada ay si buuxda maalinkaas ula wareegi doonaan ciidamada Midowga Africa ee ATMIS, isla markaana guud ahaan xerada Xalane aan loo oggolyn 'in wax hub ah lala soo galo maalinta doorashada.'

Guddiga ayaa sidoo kale bayaankooda ku sheegay in maalinta doorashada 'aan la oggoleyn in teendhada lala soo galo telefoonnada', iyaga oo kasoo qeybgaleyaasha ugu baaqay inay bannaanka uga soo tagaan telefoonnadooda.

Wararka doorashada madaxweynaha wixii kusoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan ee nagu soo noqo.

XS
SM
MD
LG