Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay salka ku hayaan iska hor-imaadyada Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ee Ethiopia?


Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Sabtida maanta ah qeylo dhaan ka muujisay isku dhacyadii ugu dambeeyay ee dadku ay ku dhinteen kuwaasi oo u dhaxeeyay Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Orthodox-ka ah ee Ethiopia, waxayna ugu baaqday mas’uuliyiinta dalkaasi in ay baaritaan ku sameeyaan oo ay caddaaladda horkeenaan kuwa danbiga geystay.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka, Michelle Bachelet, ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay rabshadaha dhammaadkii bishii hore ka dhacay waqooyiga Ethiopia, oo la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaallada ayaa 26-kii April ka billowday magaalada Gondar ee gobolka Amhara, waxaana la sheegay in uu la xiriiray muran dhul, intii aysan iska hor imaadyadu ku fidin gobollada kale iyo caasimadda Addis Ababa, ayay tiri.

Golaha Arrimaha Islaamka ee Amhara ayaa sheegay in la weeraray aas loo sameynayay nin Muslim ah, waxaana uu Goluhu goobta weerarku ka dhacay ku tilmaamay “xasuuq” ay geysteen koox aad u hubeysay oo “masiixiyiin xagjir ah.”

Qabuuraha uu weerarku ka dhacay ayaa daris la ah masaajid iyo kaniisad uu ka taagnaa muran joogto ah oo u dhexeeyay Muslimiinta iyo Masiixiyiinta, oo ah labada koox ee ugu badan ee Ethiopia.

Bachelet ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “waxa aan fahamsanahay in magaalada Gondar laba masjid lagu gubay, laba kalena qeyb ahaan la burburiyay.”

“Weeraro u muuqday aargoosi oo markaas ka dib dhacay ayaa la soo wariyay in laba nin oo Masiixiyiin ah la gubay oo ay dhinteen, nin kalana la jarjaray, iyo in shan kaniisadood lagu gubay” koonfur-galbeed Ethiopia, sida ay Bachelet ku tiri warsaxaafadeedka ay soo saartay, iyadoo intaa ku dartay in colaado la mid ah ay ka dheceen gobollo kale.

Waxa ay sheegtay in booliisku ay afar magaalo ka qabqabteen oo ay xireen ugu yaraan 578 qof oo dhacdooyinkan lala xiriiriyay.

“Waxa aan ugu baaqayaa madaxda Ethiopia in ay si degdeg ah u bilaabaan oo ay baaritaan dhab ah, madax-banaan oo hufan ku sameeyaan mid kasta oo ka mid ah dhacdooyinkan dhimashada keenay,” ayay tiri.

AFP

XS
SM
MD
LG