Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Amniga oo sheegay in uu shaqo-joojin ku sameeyay taliye Xijaar


Jeneral Xijaar
Jeneral Xijaar

Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shegay inuu xilkii ka qaaday taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), kadib markii uu "si bareeer ah iskugu dayay inuu hor is-taago doorashada guddoonka Golaha Shacabka" sida uu ku sheegay bayaan uu goor dhaweyd soo saaray wasiirku.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay taliya ciidamada inuu "si bareer ah ugu milmay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka" waa sida ku xusan warqadda xilka qaadista taliyaha ee kasoo baxday wasiirka.

Waxa uu sheegay inuu helay "xog muhiim ah in taliyuhu ku howlan yahay falal khatarku ah bad qabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo masuuliyiin saresare oo xilal muhiim ah haya" sida wasiir uu ku sheegay bayaankiisa.

Wuxuu intaas ku daray in uu xilka si ku-meelgaar ah ugu magacaay taliye ku xigeenka booliska,isaga sheegay inuu farayo saraakiisha ciidamada booliska iyo kuwa Nabadsuggida inaysan ku milmin siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Ilaa hadda General Xijaar kama hadlin xilka qaadista lagu sameeyay.

XS
SM
MD
LG