Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceel-waaq oo la dhaariyay


omali legislators of the lower house of parliament raise their hands to vote to extend President Mohamed Abdullahi Mohamed's term for another two years to let the country prepare for direct elections, in Mogadishu, Somalia, April 12, 2021.
omali legislators of the lower house of parliament raise their hands to vote to extend President Mohamed Abdullahi Mohamed's term for another two years to let the country prepare for direct elections, in Mogadishu, Somalia, April 12, 2021.

Waxaa caawa afurka ka dib Hotel Decale ee magaalada Muqdisho lagu dhaariyey 16-kii xildhibaan ee dhowaan lagu soo doortay magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.

Dhaarinta xildhibaannada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka CabdikariIn Xaaji Cabdi Buux.

Dhaarinta ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Fedraal ee (FEIT).

Xubnahan 16-ka ah ee caawa la dhaariyey ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb qaataan doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee qorshuhu yahay in teendhada Afisyooni ee garoonka diyaaradaha ay ka qabsoonto 27-ka Bishan.

Dhaarinta xildhibaannada ayaa imaaneysa xilli dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya qoraal uu soo saaray uu sharci-darro ku tilmaamay “doorashooyinka isbarbar socda” ee magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.

Doorashada Ceelwaaq ayaa waxaa go’aamiyey guddiga doorashada heer federaal 14-kii April, ayaga oo sheegay in Garbahaarey “aan doorasho lagu qabin karin sababo amni dartood,” waxaana go’aankaas soo dhoweeyey ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

XS
SM
MD
LG