Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Deni: 'Dhaqan gal' ma ahan wareegto kasta oo ka soo baxda Axmed Karaash


Deni iyo Karaash
Deni iyo Karaash

Madaxweynaha Puntland saciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in isaga oo ku sugan gudaha Soomaaliya aysan dhaqan gal noqon karin wareegto kasta oo ka soo baxda madaxweyne ku xigeenkiisa.

Madaxweynaha ayaa isaga oo soo xiganaya qodobka 80-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 2-aad waxa uu sheegay “in aysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.”

Saciid Deni ayaa ugu danbeyn ku amray hay’adaha dowlad goboleedka Puntland in ay shaqadooda sii wataan, “loona hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland.”

Hadalka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho oo uu ka wado olole uu ugu jiro doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaneysa iyadoo dhowaan uu madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) uu sheeegay in uu si ku meel gaar ah ula wareegay xilkii madaxweynaha ee Puntland. Waxa uu faray hay'adaha dawladda inay u hoggaansamaan ilaalinta iyo dhawrista dastuurka Puntland iyo qawaaniinta kale.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in maadaama uu madaxweynihii si ku meel gaadh ah u gudan kari waayey waajibaadkiisa dastuuriga ah, in masuuliyaduhu ay isaga si ku meel gaadh ah ugu wareegayaan sida ku cad ayuu yidhi dastuurka Puntland.

Axmed Karaash ayaa xalay xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Mudug oo dhowaan loo doortay xildhibaan ka tirsan dowladda federaalka, waxaana uu magacaabay guddoomiye cusub oo uu yeelanayo gobolka Mudug.

XS
SM
MD
LG